Logo

Friday, April 17, 2026

Samsung oo soo bandhigtay mobile cusub ee Galaxy S26 series

Samsung Galaxy S26

Shirkadda Samsung ayaa soo bandhigtay mobile-ladeeda cusub ee Galaxy S26, oo sannnadkan horumar balaadh ku sameeyaa Camera-da, Al-ga iyo Privacy-ga, waxanay soo bandhigtay saddex nooc oo kala ah: Galaxy S26, S26+ iyo S26 Ultra.

Horumarinta AI-ga Galaxy AI

Samsung waxay soo bandhigtay jiil cusub oo Galaxy AI, kaas oo aan kaliya ka jawaabin amarrada isticmaalaha, balse sidoo kale ka sii hormara baahiyaha isticmaalaha.Tusaale ahaan, AI-gu wuxuu fahmi karaa kula samayn karaa wada sheekayasi, sidoo kale waxa uu qaban karaa hawlo kala duwan isaga ku shaqeeyna Gemini AI.

Xogta iyo Awoodaha Mobile-ka

Galaxy S26 waxaa lagu dhisay qalab aad u xoog badan, oo leh processor cusub iyo horumar weyn oo dhinaca AI ah, si uu u qabto hawlo culus si fudud oo degdeg ah.

Nooca S26 Ultra gaar ahaan wuxuu leeyahay awood dheeraad ah iyo astaamo horumarsan sida shaashad weyn iyo waxqabad sare.

Camera-da

Samsung waxay ku dartay AI gudaha nidaamka kamaradda, si sawirrada iyo fiidiyowyadu u noqdaan kuwo tayo sare leh xitaa xaaladaha iftiinka hoose.

AI-gu wuxuu hagaajiyaa midabada, faahfaahinta iyo iftiinka si otomaatig ah, isagoo ka dhigaya sawirrada kuwo si fudud u qurux badan.

Privacy-ga

Samsung waxay xoojisay dhinaca amniga iyo ilaalinta xogta, iyadoo ku dartay nidaamyo badan oo difaac ah iyo xakameyn isticmaalaha siinaya awood buuxda.

Waxaa ka mid ah astaamo cusub oo AI ah oo ogaan kara marka apps ay si aan caadi ahayn u helayaan xogtaada, isla markaana ku wargelinaya.

Samsung Galaxy S26 vs S26+ vs S26 Ultra

FeatureGalaxy S26Galaxy S26+Galaxy S26 Ultra
Display size6.3 inch6.7 inch6.9 inch
ResolutionFHD+QHD+QHD+
Refresh rate120Hz120Hz120Hz
Battery4300 mAh4900 mAh5000 mAh
Charging~25WFaster (~45W)Fastest (~60W)
Main camera50 MP50 MP200 MP
Ultra-wide12 MP12 MP50 MP
Telephoto10 MP10 MP50 MP
Front camera~12 MP~12 MP~12 MP
RAM12 GB12 GB12–16 GB
Storage256 / 512 GB256 / 512 GBup to 1 TB
Weight167 g190 g214 g
Thickness7.2 mm7.3 mm7.9 mm
Special featuresCompact sizeBigger screen + batteryBest camera + Privacy Display

Enjoyed this article?

Leave a Comment below!


Please login to write a comment

Login here

You may also like

Samsung oo soo bandhigtay mobile cusub ee Galaxy S26 series